Taliyaha Bileyska Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Nabadgalyo Ee Dalka.
Hargeysa, July 23, 2025 (Haatufonline) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdilaahi Dheere) ayaa ka hadlay dil ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu taliyuhu sheegay inay baadhitaan wadaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Eedaysanaha.Taliye Cabdiraxmaan Dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa tilmaamay in ay arinta baadhitaanka ka wada socdaan eheladii laga dilay dhalinyarada, bileyskana ay ku qanacsan yihiin kana wada shaqaynayaan arintaasi.Taliyuhu waxa uu sidoo kale eedo u jeediyey shakhsiyaad uu sheegay inay baraha bulshada ciidanka eedo uga soo jeedinayaan, waxaanu ku tilmaamay shakhsiyaadkaasi inay ku jiraan kuwo hore dalkan dambiyo uga galay oo ay faylashooda hayaan.Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Maalmihii la soo dhaafay dil fool xun ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa, laba dhalinyar ah ayaa waxa dishay gacan ka xaq daran, ciidanka Bileysku arintaa baadhitaankeeda gacanta ayuu ku hayaa, war cadna waanu ka soo saari doonaa dhawaan, insha allaahu kariim.Waxaan Xusuusinayaa bulshada, malaha kursigan waxaan fadhiyaa shan bilood, intii iga horaysay markaan dhaafo, waxa dalka ka dhacay 31 dil, 30-kii gacan ku dhiigle ama eedaysane eek a horeeyey ciidanka Bileysku waxa ay ku guulaysteen in gacanta lagu dhigo, kana waxaanu rajaynaynaa in aanu ku guulaysanayno in aanu gacanta ku soo dhigno.Dhalinyaradaa inaga dhimatay Alle ha u naxariisto ciidanka Bileyska ayaa gacanta ku haya, eheladii ay ka dhinteen iyo ciidanka Boolisku way ka wada xidhiidhsan yihiin, baadhitaana way ku wada jiraan, ehelkooduna way nagu qanacsan siyiiin oo baadhitaanka ayay sugayaan.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Dheere, waxaanu taliyuhu intaasi ku daray inay jiraan shakhsiyaad dalkan dambiyo waaweyn ka galay oo hadana Bileyska Caayaya inta ay baraha bulshada soo fadhiistaan, sida uuu hadalka u dhigay Taliyuhu.Taliyaha Ciidanka Boolisku sidoo kale waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay Suldaan maalintii shalay ciidanka Bileysku ay ka soo xidheen magaalada Berbera, waxaanu Taliye Cabdidheere Sheegay in qof kasta oo dambi gala la xidhi karo, hadii dambigaasi lagu helana maxkamad ayaa la saarayaa oo waa la xidhaa hadii lagu waayana waa la sii daynayaa.
Leave a comment