Latest News

Tigrayga Oo Caawa Gantaalada Ridada Dheer Ku Weeraray Madaarka Asmara,Iyo Xarumaha Wasaaradaha Gaashaandhigga Iyo Warfaafinta

Asmara,November 14,2020(Haatufonline)-Ciidamada gobolka Tigray ayaa caawa gantaalada ridada dheer la beegsaday bartilmaameedyo ku yaala dalka Eritrea oo ay ka mid yihiin madaarka caasimadda Asmara iyo xarumaha labada wasaaradood ee Gaashaandhigga iyo Warfaafinta.

Isla xalay waxay ciidamada Tigraygu gantaalada ridada dheer ku garaaceen laba madaar oo ku kala yaala gobolka Amxaaradda.Tigreegu waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ee lagu duqeeyo gobolkooodu ay kasoo kacaan labadaas garoon iyo kuwa ku yaala Eritrea waxaanay xalay ku balanqaadeen inay madaarada Eritrea lafooda weeraro ku qaadi doonaan taasoo sida hadda muuqata ay kaga dhabeeyeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*