Latest News

Tigrayga Oo Gantaalo Ku Garaacay Caasimada Eritrea

Asmara, November 15, 2020 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya Caasimada dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in gantaalo lagu soo weeraray saddex meelood oo ku yaala dalak Eritrea.

Goobaha la weeraray ayaa waxa ka mid ah dhismaha Wasaarada Warfaafinta Eritrea, Madaar iyo dhisme weyn oo dad badan ay degenaayeen.

Weerarkan ayaa daba socday kadib markii war laga baahiyey maanta Telefishanka Tigrayga lagu sheegay in Eritrea ay ka mid tahay meelaha ay Tigraygu bartilmaameedsanayaan, sidoo kalena ay jiraan bartilmaameedyo kale oo gantaalo lagu garaacay oo ku yaala gudaha Ethiopia.

Ilo wareedo ku dhaw dawlada Eritrea ayaa xaqiijiyey in gantaalo lagu soo ganay Asmara, balse waxay beeniyaan in Caasimada la duqeeyey, iyagoo sheegay in ay ku dhaceen dhulka miyiga ah.

Dadka siyaasada faaqida ayaa tilmaamaya in Tigraygu ay hub culus ay ka qabsadeen Taliska Waqooyiga eek u yaalay Caasimada Tigrayga ee Mekelle, markii uu dagaalku bilaabmay toban cisho ka hor.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*