Latest News

Tigraygu Maalintay Maqale Ka Baxeen Ma Maantay Aheyd Mise May Dhaweyn Oo Yool Beenadyo Ayey Ciidamada Abiy Axmed Ku Asqaysiiyeen

FAALLADA Haatufonline November29,2020

Ciidamada dawladda dhexe iyo ciidan goboleedka Amxaarada ayaa qabsaday maanta caasimadda gobolka Tigray ee Maqale kadib markii ay duqeyncirka iyo dhulka ahba u geysteen.Inkastoo la filayey in ciidamaa huwanta ahi ay iska caabin xoog ah kala kulmaan ciidanka Tigrayga ah ee magaalada gacanta ku hayey hadana ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay waxaana iska cad in ciidankii iyo madaxdii Tigraygu ay iskaga baxeen magaalada.Waxaseh la isweydiinaya ma maantay ka baxeen Maqale mise baryahanba may joogin.Waxay u eegtahay in ciidankii Tigrayga iyo madaxdii maamulkoodii ay marka ugu yartahay todobaadba kasii maqnaayeen Maqale oo wixii qalab iyo saanad muhiim ah ee ay haysteen ka rarteen oo buuralayda fhulkooda la tageen si ay dib ugu bilaaban dagaal riiqdiisu dheeraato (Protocrated Guerilla Warefare) ay la galaan ciidamada huwanta ah iyadoo saacado kadin markii Abiy Axmed sheegay in ciidankiisu gacanta ku dhigay Maqale ay ciidamada Tigraygu gantaalo ku garaaceen caasimadfa Dritrea ee Asmara.Waxa suurtogal ah in Tigraygu ay ciidamada cirka ee Abiy Axmed khiyaameeyeen oo ay uwaas diyaaradahoodu muddo 4 todobaad h garaacayeen uun yoolbeenaadyo ay Tigraygu Maqale u dhigeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*