Latest News

Ujeedada Iyo Ragga Wada Qorshaha Xuutiyiinta Ee Isku Balaadhinta Dalalka Geeska Afrika

Haatufonline,August 24,2025Waxa socda qorshe ay Xuutiyiintu kaga wakiilyihiin dalka Iiraan oo ay dalalka Geeska Afrika kaga dhex samaysanayaan xidhiidho adag iyo dad ay adeegsadaan oo u fuliya danahooda dhaw iyo kuwa fogba. Qorshahan oo qaybo ka mid ahi hirgaleen, waxa Xuutiyiinta ka caawinaya sirdoonka iyo ciidanka dawladda Iiraan iyo Xisbula. Ujeedooyinka qorshahan ayaa kala ah sidan :1.In dawladda Iiraan miisaan iyo saamayn ku yeelato siyaasadaha dalalka Geeska Afrika iyadoo kula tartamaysa dawladaha ay is-hayaan sida kuway jaarka yihiin iyo Maraykankaba.2.In la xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo ururka Alshabaab iyadoo muhimaddu tahay in xeebaha dalalka geeska lagu dhex yeesho shabakado u adeega Xuutiyiinta oo la isku halayan karo taasoo looga danleeyahay in la sugo (i) marinada badda ee Xuutiyiinta loo soo mariyo hubka tahriibta ah ee uga yimaadda Iiraan iyo sidoo kale(ii) marinada badda ee Xuutiyiintu u adeegsadaan ganacsigooda tahriibta hubka,daroogada iyo dadkaba (iii)3.In ciidamo lagu xoojinayo maleeshiyaadka Xuutiyiinta laga qorto dadka kasoo tahriiba dalalka Geeska ee soo gala Yaman.4.In wadamada Geeska lagu faafiyo Shiicanimada si loogu dhex yeesho dad taabacsan fikirka Iiraan iyo Xuutiyiinta iyadoo toos loola xidhiidhayo qabaa’ilka ku nool dalalka GeeskaHadaba waxa aanu halkan idinkula wadaagaynaa magacyada iyo xilalka nimanka dhawrkii sanadood ee u dambeeyey Xuutiyiinta iyo Iiraan u qaabilsanaa hirgalinta mashruucan isku balaadhinta dalalka Geeska:■Cabdulwaaxid Abu Raas,kana soo jeeda gobolka Al-Jawf. -Masuulka kowaad ee mashruuca Xuutiyiinta ee isku balaadhinta Geeska-Isku duba ridka xidhiidhka madaxda Xuutiyiinta iyo saraakiisha ciidanka Iiraan ee ku saabsan hawlgalada-Masuulka kowaad ee hawlgalada Yaman lagu soo galinayo saraakiisha Iiraan iyo Xisbula-Isku xidhka Xuutiyiinta iyo Alshabaab iyo kooxo kaloo mitid ah oo ka hawlgala Geeska iyo bariga Afrika.-Si loo asturo hawlaha foosha xun ee qarsoodiga ah ee u qabto,waxa dhawaan loo magacaabay wasiir ku xigeenka khaarajiga ee maamulka Xuutiyiinta■ Xasan Axmad Al Kaxlaani,41 jir kana soo jeeda gobolka Xajja.-Masuulka hawlgalada dibadda ee sirdoonka Xuutiyiinta.-Ninka ugu tunka wayn sirdoonka Xuutiyiinta xidhiidhka qotada dheer ee uu la leeyahay saraakiiska Iiraan awgeed.-Hogaaminta dablaydii sanadkii 2004 qabsatay dhabbada diyaaradaha ee madaarka Sanca-Hawlgalada cabudhinta iyo cadaadiska tujaarta si looga fushado arimo dhaqaale ■ Ad-ham Xamiid Al Cafaari oo kasoo jeeda qawmiyadda Canfarta-Masuulka sirdoonka Xuutiga u qaabilsan arimaha jaaliyadaha kasoo jeeda Geeska ee ku nool Yaman-Xulidda xubno kasoo jeeda jaaliyadaha dalalka Geeska oo ku biira maleeshiyada Xuutiyiinta-Diyaarinta iyo la xidhiidka kooxaha qarsoodiga ah ee ka hawlgala dalalka Geeska gudahooda ee Xuutiyiinta ku xidhan -Xidhiidhiyaha halwgalada muhaajiriinta lagu soo galinayo gudaha Yaman.■Maxamad Saalax Ibraahiim Siciid,kana soo jeeda Soomaaliya-Ka midyahay wakiilkada ugu khatarsan ee Xuutiyiintu ku leeyihiin Geeska.-Masuulka isku xidhka Xuutiyiinta iyo Alshabasb-Waxa uu toos ula xidhiidhaa Cabdulwaaxid Abu Raas■Usaama Xasan Al Maakhidii-Isu duwaha hawlaha lagu soo galinayo muhaajiriinta dhulka ay Xuutiyiinta ka taliyaan -La xidhiidha shakhsiyaad ka tirsan odeyaasha dhaqanka ee Geeska si loo qoro sirdoonka Xuutiyiinta-Faafinta fikirka mad-habka shiiciga iyadoo la adeegsanayo dadka u shaqeeya Xuutiyiinta ee ku sugan gudaha dalalka Geeska.-Ka mid yahay isu- duwayaasha hawlgalada hubka iyo daroogada dibadda looga tahriibinayo dalka Yaman ama loo tahriibinayo gudaha dalka Yaman iyadoo labada jeerba lasoo marinayo wadamada Geeska Afrika.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*