Latest News

Ururka Igad Oo Afduubay Oo Mashruucaystay Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Somalia

Djibouti,April 21,2021(Haatufonline)-Urur goboleedka Igad ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay inuu soo dhawaynayo hindisaha cusub ee ah in dib loo bilaabo wadahadal dhex mara daneyaasha siyaasada ee Somalia.Bayaankan ayaa imanaya ka dib markii uu madaxweynihii horee Somalia Farmaajo ee mudo xileedkiisu dhamaaday bishi February 2021 booqasho hal maalin ah ku tagay Kongo DRC ee uu la kulmay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanakan iyadoo uu Farmaajo weydiistay inuu Midowga Afrika ka caaiyo Somalia sidii ay uga qabsoomi laheyd doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiiban karo.

Hadaba bayaanka Igad oo u muuqda mid u adeegaya inuu cimri dherar u sameeyo mudo korodhsigii Farmaajo samaystay 12 bishan ayaan meelnaba kaga hadal heshiiska 17 September ee saldhiga u ahaa wadahadaladii ku saabsanaa doorashada Somalia iyo sidii loo xalili lahaa qodobada la isku khilaafsanyahay ee carqaladaynaya inu doorashadu qabsoonto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*