Latest News

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Culimada Somalia Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Mudaharaadka Iyo Tujumaada Khaldan Ee Ay Diina Ka Bixinayaan

Hargeysa, January 7, 2026 (Haatufonline) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh  Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa culimada Somalia ugu baaqay inay joojiyaan turjumaada khaldan ee ay ka bixinayaan danaha siyaasadeed ee ay is-dhaafsadeen labada dawladood ee Somaliland iyo Israaiil.

Wasiirka Diinu waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi “Culimada Somalia ee magaalada xamar kaga baaqay mudaharaadka, mudaharaadkaas oo ay somaliland kaga soo horjeedaan, waxaan u sheegayaa culimada mudaharaadaysa in qadiyada Somaliland ay tahay qadiyad shacab. Shacab lagu dulmiyey magaca soomaaliyeed iyo midnimada aad maanta ku mudaharaadaysaan muddo ka badan qarni badhkii (nusfu qarni) ayaa lagu dulmiyey Somaliland.

Ma hayno maanta caalim soomaaliyeed ama sheekh soomaaliyeed oo ka hadlay ama badheedhihiisa ka dhiibtay diintu waxay ka qabto ka hadlay ma hayno.

Sideedaba qoomiyada soomaali nimadu diin maaha diiinta shaqo kuma laha  muddo hada rubuc qarni ka badan haday dadku dano kala yeeshaan ama ay dalwado kala duwan noqdaam macnaheedu maaha diintaa laga baxay. Markaa waxaan culimada u sheegayaa in aan diinta turjumaad khaldan aan laga bixin, waxaan idin leeyahay culimoooy culimada koonfureed (Somalia) Ayaan la hadlayaa ee Muqdisho mudaharaadka ka wada, waxaan idin leeyahay walaalayaal kutubtiina soo qaata Hargeysa kaalaya, culimada Somaliland halkan ayay diyaar idiinku yihiin.

Haday qadiyadu diin tahay bal waxaad kitaabka naga tustaan halka qoomiyada Soomaali nimadu diin ku noqotay oo dad masiirkooda ka tashaday ay diinta kaga baxeen bal kitaabka naga tusa, halkan ayaanu idiinku yeedhaynaa.

Dayaca ugu badan iyo dulmiga diinta laga galay qarnigan waxa uu ka dhacay halka aad joogtaan kama hadashaan, wali cid ka hadlaysa culimadaa mudaharaadka Somaliland kaga soo horjeeda maanu arag.

Waxa la yidhi mayd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la sii sido, shalay ayay ahayd oo aanu arkaynay dad dhulkoodii la boobay oo rasaas lala dhacay oo dhiigooda la daadiyey maxaad uga hadli waydeen? Waa xaq in laga hadlo halkaad joogtaan dulmi ka dhacay weeyaan, inta aad somailand arimaheeda aad ku mashquushan tihiin, kaa dhexdiina yaala ee sii qorayn in aad ka hadashaan weeyaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*