Latest News

Wasiirkii Deegaanka Iyo Beeraha Puntland Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Cudurka Covid19

Muqdisho, May 25, 2020 (Haatuf) – Wasiirka deegaanka Iyo Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo kahor diyaarad looga qaaday magaalada Garowe kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku dhegtay.

Waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland xanuunka uu ku dhacay markii ay arimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee Puntland katirsan oo cudurka u geeriyooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*