Xisbiga Kaah Oo Eedo U Jeediyey Komishanka Doorashooyinka Iyo Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa, December 25, 2025 (Haatufonline) – xisbiga Mucaaridka ah ee kaah ayaa ka hor yimid go’aankii komishanka Doorashooyinka, kaas oo sheegay in aan doorashada dalka ku soo foolka leh aan lagu gali Karin diidaan galinta codbixiyeyaasha.Gudoomiye Cabdilaahi Dheere oo ka mid ah saraakiisha ugu saraysa xisbiga Kaah oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uuu yidhi “Komishanka doorashooyinka waxaanu u gudbinay wixii ay soo jeediyeen jawaabteedii iyada oo qoraal ah. Komishanka doorashooyinku waxa ay soo jeediyeen ma diiwaangalintan ayaynu ku galnaa doorashada mise diiwaangalin cusub.Waxan ay soo jeediyeen ee ay yidhaahdeen Khiyaarka koowaad iyo Khiyaarka labaad wax alla iyo wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto, marka laga reebo goobaha. Markaa 157 cisho ayay qaadanaysaa ayay yidhaahdeen wax alaale iyo wax doorashada dib u dhigayaana ma jirto ayay yidhaahdeen .Markaa waxay anaga noola muuqatay markii aanu asbaabahaasi oo dhan aanu aragnay in diiwaangalin cusub la galo 2016-kii ayay ahayd diiwaangalintii hore 10 sano ayaa ka soo wareegtay, tobankaa sanadoodna isbadal ayaa ku dhaca dalka iyo wax alla iyo wax halkaa yaala oo lagu kalsoonaan karo oo jiraa ma jirto” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kaah, Cabdilaahi Dheere.Waxa kale oo Mr Cabdilaahi Dheere uu ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in uu si gaar ah ugu shaqaysanayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanu tilmaamay in aanay ahayn komishan doorasho oo dheh ah.
Leave a comment