Xog Cusub:Hawlgalkii Ugu Guusha Badnaa Ee Hub Loo Tahriibinayey Xuutiyiinta Lagu Qabto
Haatufonline,July 18,2025
Ciidamada uu hogaamiyo Taareq Saalex ee dalka Yaman ayaa bishan horaanteedi gacanta ku dhigay dooni wayn oo ay saarnaayeen hub iyo qalab casri ah oo tiro badan oo Iran usoo dirtay Xuutiyiinta.Hubka iyo qalabka la qabtay oo 750 tan ahaa ayaa wuxu isugu jiray gantaalaha dagaalka badda iyo cirkaba,unigyo difaaca cirka ah,raadaaro casri ah,diyaraadaha duuliyaha lahayn ee sahaminta iyo dagaalkaba loo adeegsado iyo qalabka laga rido,qalab lagu dhagaysto wada hadalka telefoonada,gantaalo lidka taankiga ah,tiro badan oo qoryaha shiishka soo dhaweeya ah(sniper guns) iyo hub kale oo noocyo kala duwan ah.Hadaba xogo dheeraad ah oo hadda soo baxay ayaa muujinaya in doonida hubka lagu qabtay oo dherarkeedu yahay 26 mitir balaadhkeeduna 6 mitir laga leeyahay dalka Cumaan. Hasa yeeshee sida ku cad nidaamka dabagalka maraakiibta iyo doonyaha (Vesseltracke/finder,iyo globalfishingwatch) iyo nidaamka aqoonsiga gaadiidka badda (SMMI), doonidan ayaa 23 April 2025 kusoo xidhatay dekadda Bandar Cabbaas ee Iran ee Khaliijka ku taala,waxaanay halkaas ku sugnayd mudo 20 saacadood ah iyadoo 24 April 2025 xili ay maraysay biyaha Cumaan bakhtiisatay nidaamkii isgaadhsiinta balse hadana la arkay iyadoo Djibouti kusoo xidhatay 19-20 May 2025.Tixraac nidaamka Vesselfinder.
Doonidan oo uu naakhuude ka ahaa nin Yamani ah oo la yidhaa Amiir Axmad Yaxya ayaa waxay Djibouti kaga baxday manifest ku taariikhaysan 25 June oo sheegaya inay alaab u sido dekadda Saleef ee Xuutiyiintu haystaan, waxa seh lagu qabtay horaantii bishan meel ku dhaw jasiiradda Xunaysh ee ku taala Baabul Mandeb,qabashadan oo ah tii ugu waynayd abid ee hub ay Iran usoo dirtay Xuutyiinta gacanta lagaga dhigo.
Leave a comment