Xubnaha xukuumadda ee ku dhintay duqayntii Israel kamay tirsanayn hogaanka saree Xuutiyiinta
Haatufonline,September 2,2025
Xuutiyiinta oo dhawr maalmood ankirsana khasaarahooda ayaa aakhirkii qirtay in Israel duqayntii Khamiistii dhawayd ku dishay sagal ka mid ah xubnihii xukuumaddooda oo uu ku jiro raiisal wasaare Axmad Al-Rahwi iyo sideed xubnood oo kale. Hasa yeeshee xubnaha duqaynta ku geeriyooday ee ay magacyadooda sheegeen kumay jirin wasiirkii Difaaca Maxamad Al-Caatifi iyo Abaanduulihii ciidanka Xuutiyiinta Maxamad Al-Qamaari. Israel ayaa ka dib duqayn ay la tiigasatay goob ku taala magaalada Sanca bishii June sheegatay inay ku dishii Al-Qamaari kaasoo waqti dambe beeniyey warkaasi.
Inkastoo khasaare iyo naxdin xoog lehi ku dhacday Xuutiyiinta, hadana xubnaha xukuumaddooda ee ku qudhbaxay weerarkii Khamiistii run ahaantii kamay tirsanayn hogaanka sare ee kooxda go’aamada u gaadha ee uu madaxa ka yahay Cabdulmalik Al-Xuuti.Xubnaha xuumadda Xuutiyiinta oo kasoo kala jeeday gobolada kala duwan ee Yaman ayaa darteed waxay Xuutiyiinta dadwaynaha u sawirayeen inay tahay xukuumad loo dhanyahay oo matasha bulshowaynta Yaman.
Sida la ogsoonyahay shuruudaha ka-mid- noqoshada hogaanka sare ee Xuutiyiinta waxa ka mid ah in qofku yagay Zaydi kana tirsanaado mad-habka Shiicada oo uu waliba ku camal falo qaybta Shiico-nimada xagjirka ah ee la yidhaahdo Gaaroodiya taasoo aaminsan in Cabdulmalik Al-Xuuti ay Saado yihiin oo ay kaligood xaq u leeyihiin inay Yaman xukumaan. Hadaba in xubnaha duqaynta ku geeriyooday aanay miisaan la taaban karo lahayn waxa tuusale u ah raiisal wasaaraha la dilay ee Al-Rahwi oo isagu kasoo jeeday Koonfurta Yaman ee wada taabacsan mad-habka Sunniga ah,halkaas oo aanay Xuutiyiintu wax xididdo iyo saamayn ah ku lahayn haba yaraatee.
Leave a comment