Latest News

Xudayda Oo Ay Soo Weerareen Maraakiibta Dagaalka Israel Oo1800 Km Kasoo Duulay

Haatufonline,June 11,2025Maraakiibta dagaalka ee dawladda Israel ayaa weerar kusoo qaaday dekadda Yaman ee Xudayda subaxnimadii Salaasadan iyadoo goobta ay kasoo duleen1800 Km u jirto xeebta dalka Yaman ee Badda Cas. Israel ayaa 10 weerar oo cirka ah hore ugu soo qaaday Xuutiyiinta Yaman iyadoo bartilmaameedsatay dekadaha ay Xuutiyiinta wax uga soo dagaan ee Xudayda,Raas Ciisa iyo al-Saliif,madaarka Sanca iyo gobo kale. Digniin ay Israel baahisay Isniinti ayaa waxay dadka ugu baaqeen inay ka baxaan dekadaha Yaman ee hoosyimaadda Xuutiyiinta. Wasiirka Difaaca ee Israel Katz ayaa sheegay inay Xuutiyiinta ka go’doomin doonaan xagga badda iyo cirkaba ilaa intay joojinayaan ayuu yidhi gantaalaha iyo daroonada ay kusoo weerarayaan dalkiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*