Xukuumada Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Isla Gartay In La Hakiyo Go’aankii Lagu Kordhiyey Adeegyada Internetka iyo Ku Hadalka
Hargeysa, August 9, 2025 (Haatufonline) -Xukuumada Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa caawa Isla Gartay In La Hakiyo Go’aankii Lagu Kordhiyey Adeegyada Internetka iyo Ku Hadalka.“ Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland “
Leave a comment