Xukuumada Somaliland Oo Maraykanka Ku Taageertay Hawlgalkii Lagu Soo Qabtay Madaxweynihii Venezuela.
Hargeysa, January 4, 2026 (Haatufonline) -Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dawladda Maraykanka ku taageertay hawlgalkii ay ku qabatay Madaxweynihii Venezuela, Nicolas Maduru, waxaanay caddaysay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay soo celinta nidaamka dastuuriga ah ee dimuqraaddiyadeed iyo isku xukunka sharciga ee dalkaasi Venezuela.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu u qornaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xaqiijinaysaa inay si mabda’ leh ula socoto Dawladda Maraykanka, taageerana u haysaa tallaabooyin caalami ah ee sida miisaanka leh loo qaadayo, kuwaas oo looga gol leeyahay soo celinta nidaamka dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraaddiyaddeed, iyo kudhaqanka sharciga dalka Venezuela.
Iyadoo laga duullayo xeerarka caalamiga ah iyo tixgelinta amniga wadajirka ah, Somaliland waxa ay aaminsan tahay in hawlgalka mas’uuliyad leh oo Maraykanku hoggaaminayo, kuna dhaca iskaashi lala yeesho dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah, uu gacan ka geysan karo yareynta dhibaatooyinka bini’aadannimo, la-dagaallanka shabakadaha dambiyada caalamiga ah, isla markaana uu taageeri karo isbeddel nabadeed oo ay hoggaaminayaan reer Venezuela, kuna dhisan madax-bannaani qaran, isla-xisaabtan iyo ixtiraamka xuquuqda Aadanaha.”
Leave a comment