Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Laba Marxuum Oo Lagu Dilay Saylac.
Saylac, January 19, 2026 (Haatufonline) – Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ka hawlgashay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii gaysatay dil ka dhacay magaalada Saylac.Dilka ayaa loo gaystay labada Marxuum ee kala ah Yuusuf Cabdilaahi Xuseen Fariid iyo Mustafe Jaamac Faarax. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Aw Cali Cabdi oo tacsi u dirayย Eheladii ay ka baxeen labada Marxuum ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii gaysatay falkan foosha xun.Dhinaca kale dilkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ lagu qabtay shirย lagu Falanqeeyay Xaalada Guud ee Amniga Dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ๐๐. ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐, ayaa sheegay in Xaalada Guud ee Amniga Dalku ay fiican tahay, balse loo baahan yahay in la sameeyo taxadar dheeraada, lana kordhiyo sidii loo sugi lahaa amaanka dalka. Wasiirku wuxu bogaadiyay sida fiican ee ay bulshada Somaliland ula shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Amaanka dalka. Waxanu ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan. Waxa kale oo iyaguna shirka maanta ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Eeย kala duwan, kuwaas oo sheegay in ay si fiican u gudan doonaan shaqada guud ee sugida amniga dalka.
Leave a comment