Latest News

Xuuthiyiinta Oo Furfuray Taawaradii Isgaadhsiinta Ciidankooda Kuna Dul Rakibay Guryaha Xaafadaha

Haatufonline,April 17,2025

Kooxda Xuutiyiinta ee Xulafada la ah Iran ayaa dhamaan qalabkoodii isgaadhsiinta ciidanka ka furfurtay goobihii ay ku xidhaayeen waxaanay u wareejisay xaafadaha dadku dagganyihiin dhexdooda si looga badbaadiyo duqaynta diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka

Diyaaradaha xarbiga ah ee Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyey duqayn xoog leh la beegsanayey xarumaha iyo qalabka ay ciidamada Xuutiyiintu ku wada xidhiidhaan si ay u kala gooyaan ciidamada iyo talisyadoodu oo khalkhal ugu dhaco

Hadaba Xuutiyiinta ayaa si ay u badbaadiyaan inta ka hadhay isgaadhsiintoodii, waxay taawaradii hawada u rareen xaafadaha,kana dul taageen guryaha shicibka maadaama ay ogyihiin in Maraykanku iska ilaalinayo in dadka shicibka ah ay waxyeelo kasoo gaadho duqaynta ay ku hayaan ciidamada Xuutiyiinta

Xuutiyiinta ayaa waxay adeegsadaan isgaadhsiin ciidan(military) oo casri ah oo ay adagtahay in la jabiyo afgarashada sirta ee ay ku shaqeeyaan, waxaana hirgalinta dhismaha isgaadhdiintaasi si hagarla’aan ah uga caawiyey dalka Iran gaar ahaan Injineer Mustafa Mirzai oo sanadkii 2020 ku dhintay duqayn cirka ah oo ay la beegsadeen diyaaradahii isbahaysigii Sucuudiga iyo Imaaratku duleedka Sanca iyadoo waqtigan xaadirka ah uu taliyaha guud ee isgaadhiinta militari ee Xuutiyiinta yahay Maxamad Xuseen Badridiin Alxuuti kaasoo ah wiilkii u dhalay aasaasihii kooxda Xuutiyiinta Xuseen Alxuuti isla markaana waxbarasho iyo tababar kusoo qaatay dalka Iran.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*