Latest News

Xuutiyiin La Qabtay Oo Sheegay Inay Alshabaab Ku Tababareen Isticmaalka Diyaaradaha Duuliyaha Lahayn

Haatufonline,October 27,2025

Mas’uuliyiin amni oo ku sugan magaalada Cadan ayaa todobaadkan shaaca ka qaaday in kooxda Xuutiyiintu ay si toos ah uga qayb qaadanayaan tababaridda xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarro la xidhiidha isticmaalka iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Dowladda Yementa Koonfureed ayaa dhawaan sheegtay in unugyo qarsoodi ah oo ka tirsan Xuutiyiintu ay ka hawlgalaan gudaha dalka, gaar ahaan gobollada Cadan, Abyan, Shabwah iyo Hadramawt, isla markaana qaar ka mid ah xubnaha la qabtay ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda sharciga ah ee Yemen, Ibraahim Xaydaan,oo arintan ka hadlaya ayaa digniin adag ka bixiyay khatarta ay leedahay in kooxaha argagixisada ay ka faa’iidaystaan xaaladdaha amni ee jilicsan ee ka jira Yemen iyo dalalka deriska ah si ay u ballaadhsadaan hawlahooda.

Xaydaan wuxuu sheegay in la-dagaallanka argagixisadu ka midyahay waajibaadka ay xukuumaddiisu siiso mudnaanta kowaad, isagoo xusay in kooxaha argagixisadu ay ka faa’iideystaan dabiicadda juqraafiyadeed ee adag ee dhulka gobollada Abyan, Shabwah iyo Al-Bayda, halka ay gobollada Hadramawt iyo Al-Mahra u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyo dhaqaale oo qarsoon.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*