Latest News

Biden Oo Sheegay In Dil Wadareedka Loo Geystay Armenianku Uu Yahay Xasuuq Iyo Turkiga Oo Si Adag U Cambaareeyey

Armenian officials lay flowers at the monument to the victims of mass killings by Ottoman Turks, to commemorate the 103rd anniversary of the genocide in Yerevan, Armenia, Tuesday, April 24, 2018. ( Tigran Mehrabyan, PAN Photo via AP)

Washington, April 25, 2021 (Haaatufonline) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maalintii shalay aqoonsaday in dil wadareed loo gaystay dad Armenian ah xiligii dagaalkii 1aad ee adduunka ay tahay xasuuq ay gaysatay boqortooyadii Cusmmaaniyiintu, sanadkii 1915-kii.

Aqoonsigan Madaxweynaha dalka Maraykanka ee dil wadareedka Armenian-ka ayaa ah balanqaadkiisii ololaha, waxaanu ku soo beegmay isla Maalinta xuska xasuuqa Armenia la xusay, kaas oo laga xusay Armenia gudaheeda, isla markaana qurba joogta Armenia ay xuseen.

“Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii, dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii Cusmaaniyiinta xilligii Armenia, waxaanan dib isugu dayi doonnaa inaanu ka-hortagno xasuuqa noocan oo kale ahi in aanu mar dambe dhicin,” ayuu Biden ku yidh hadal uu soo saaray.

“Dadka Maraykanku waxay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku dhintay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.”

Dhinaca kale  dawlada Turkiga ayaa si adag uga soo horjeedsatay Talaabada Joe Biden uu ku ogolaaday In Boqortooyadii cusmaaniyiintu ay Xasuuqday Armenian, waxaanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ugu yeedhay Safiirka Maraykanka David Satterfield magaalada Ankara, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda Arimaha dibada Turkiga.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sedat Onal uu u sheegay Satterfield in Ankara ay diiday hadalka Biden ayna “u aragtay mid aan la aqbali karin oo ay ku cambaareysay ereyada ugu adag.”

Hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa lagu tilmaammay inuu xogay nabar= ay adagtahay in si sahlan loo dhayo.

Hase yeeshee Warqad Arbacadii, ayay u gudbiyeen Biden koox mayal adag ah oo ka kooban 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka, taas oo Biden ku booriyay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee dilalkaasi Armenia ka dhacay u Aqoonsada xasuuq.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*