Latest News

Gorgor,Harmad Iyo Dufaan Markii Beebeeyadi Turkiga Laga Gubay Ayey Cagaha Wax Ka Dayeen

Muqdisho,April 26,2021(Haatufonline)-Ciidamada magacyada kala duwan leh ee wali ka amar qaata madaxweynihii Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday M C Farmaajo ayaa dagaaladii ay shalay magaalada Muqdishu iskaga horyimaadeen isbahaysiga ciidamada diidan mudo-kordhinta waxay kala kulmeen fashilaad aad u weyn milateri ahaan oo si xarago leh ayaa looga adkaaday isla markaana waxa u suurtoobi waayey inay fuliyaan amarkii uu Farmaajo soo siiyey oo ahaa inay soo qab qabtaan madaxweynihii horee Somalia Xasan Sh Maxamuud iyo guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdarxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada dagaalka ka qaybgalay oo iskugu jiray guutooyinka Gorgor,Haramad iyo Duufaan oo labada hore ay Turkigu soo tababareen,hub iyo mushaharna iyagu siiyaan ayaa ka dib markii ay weerar ku bilaabeen bartilmaameedyadii lasoo faray waxa naxdin xoog leh ku riday markii ay ciidankii iska soo horjeeden gubeen qaar ka mid ah beebeeyadi Turkiga ee loo sheegay in aanay karin xabadda qoryaha lidka diyaaradaha iyo baazuukuhu( sebenka) taasoo goobti dagaalka ku beenawday isla markaana kaliftay inay ciidamada Farmaajo dib u gurtaan oo dhabarka jeediyaan,waxaanay dhacdadani aheyd tii u horaysay ee sadexda ciidan ee aanu kor kusoo sheegnay ay iskaga horyimaaddaan ciidan leh waayo aragnimo iyo aqoon dagaal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*