Latest News

Boqol Qori Oo Diirad Leh (Sniper Rifle) Oo XSM Soo Amray Oo Maanta Huwanta Loo Keenay

Garoowe,April 29,2024(Haatufonline) – Waxa amarka madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh maanta magaalada Garoowe diyaarad lagu keenay boqol qori oo ah nooca diiradda leh ( Sniper Rifles) oo loogu talo galay Huwanta Laascaanood.
Qoryahan oo soo dhaweeya muuqaalka qofka la shiishayo ayaa waxay ka mid ahaayeen 500 uu Xasan Sheekh kasoo iibiyey Eritrea socdaalkiisii u dambeeyey bishii March ee uu halkaas ku tagay.
Qoryahan oo midkii 10 midh oo rasaas ah qaado ayaa waxay is-cunaan rasaasta qoriga BKM 7.62mm ama .30 calibre.

Waxay ahayd dhawaan markii uu Xasan Sheekh maleeshiyaadka Huwanta iyo kooxda Cabdi Madoobe ku wareejiyey 3000 qori oo u badnaa nooca AK iyo 20 qori oo Baazuuka ah(RPG7) oo ka mid ahaa hub lagu caawiyey Somalia oo loogu talo galay la dagaalanka Alshabaab.
Dhamaan hubkaa waxa laga soo qaaday bakhaarada kaydka hubka Somalia ee ku yaala Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*