Latest News

Xisbiga UCID Oo Deeq Dawo Ah Gaadhsiiyey Taliska Ciidanka Qaranka Ee Oog.

Oog, April 29, 2024 (Haatufonline) – Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ku tagay Taliska ciidanka ee OOG.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Taliyaha aagga Bari Sarreeye guuto Cali Barre iyo qaar kamid ah saraaakiisha sare ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Kulan laba geesooda kadib, waxaa uu Gudoomiyuhu Deeq dawo ah ku wareejiyay Ciidanka, waxaana gudoomay Taliye Cali Barre.

Gudoomiyaha xisbiga UCID, Waxaa socdaalka ku wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Xildhibaan Axmed Cali Caynabo, Mudanayaal ka tirsan golaha Deegaanka Burco Xoghayaha Duulista Bashiir Xamari, Xoghayaha xidhiidhka golayaasha Yaasiin C.laahi Xaashi iyo Xoghayaha Maaliyadda C.shakuur Muuse Cigaal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*