Latest News

Senator, Jim Risch Oo Maamulka Biden Ku Booriyey Inuu La Macaamilo Somaliland Oo Aanu Ku Koobnaan Somalia

Washington, April 29, 2024 (Haatufonline) – Senator- Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayaa ku booriyay maamulka Biden inay la macaamilaan Somaliland, wuxuuna sheegay in siyaasadda “Soomaaliya oo keliya” aanay ka tarjumayn xaqiiqada. “Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka inay la shaqeyso Somaliland oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed,” ayuu yidhi Senator Risch isagoo intaas ku daray “in asxaabtiisa Maraykanka ay ammaanayaan horumarka doorashada Somaliland ee toddobaadkan soo baxay, maamulka Maraykanku wuu aamusay marka la eego siyaasadda “hal Soomaaliya” kama tarjumayso xaqiiqada waxa halkaas ka dhacaya”, Senator Risch ayaa yidhi 27kii April, Hadalkiisa waxa uu yimid ka dib markii ay si wada jir ah u soo saareen 25 April, Denmark, EU, Germany, Norway, Sweden, iyo UK oo ay soo dhaweeyeen ku dhawaaqista rasmiga ah ee todobaadkii hore ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland wakhtiga doorashada ) iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto ka soo baxday ku sheegay in wakhtiga doorashada la qabanayo 13 November ee sanadkan. Kuwani waa “tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xaqiijinta in doorashooyinku qabsoomaan 13ka Noofambar 2024”, saaxiibada caalamku waxay yiraahdeen waxayna ballan qaadeen “in ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada si ay u taageeraan sidii loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay. wakhtiga lagu dhawaaqay oo lagu heshiiyey.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*