Latest News

Budhcad Badeed 8 Markab Madaxfurasho Ugu Haysata Xeebta Puntland Ee Somalia

Madrid,April 16,2024(Haatufonline) – Weerarada Kooxda Iran taageerto ee
Xuuthiyiintu la beegsadaan maraakiibta marta Badda Cas gaar ahaan biyaha ku dhaw waqooyiga Yaman ayaa waxay dib usoo nooleeyeen budhcad badeedii Somalia iyadoo ay isa soo tarayaan falalka budhcada badeednimada ah ee ay geystaan kooxaha kasoo kicitima dhinaca Somalia.
Warar uu wargeyska Marc Espanol daabacay 11 April oo laga soo xigtay taliska ciidanka la dagaalanka budhacad badeeda (ATLANTA) uu ku leeyahay caasimadda Ispaanishka ee Madrid ayaa waxa lagu sheegay in budhcad badeedda Somalia ay dhawrki bilood ee lasoo dhaafay weerareen 3 markab oo waawayn oo ay midkood wali haystaan iyo 18 markab oo kuwa yar yar ah oo ay todoba ka mid ah haystaan waxaanay dhamaantood u haystaan madax-furasho.

Sida warbaahinta caalamku sheegtay budhcad badeeda Somalia waxay saldhigyo ka dhigteen 4 goobood oo ku yaala xeebta dheer ee gobolka Puntland ee Somalia waxaanay kooxahaasi inta badan ka hawlgalaan Badda Carabta(Arabian Sea) ee u dhaxaysa dalka Hindiya iyo Cumaan iyo waliba biyaha soo xiga ee ku yaala galbeedka Badwaynta Hindiya iyadoo ay ka foojignaadaan inay falal ka fuliyaan biyaha Badda Cas maa daama ay halkaas ku suganyihiin ciidamo badan oo ay iska soo horjeedaan Xuuthiyiinta. Hasayeeshee ciidanka badda ee Hindiya ayaa dhawr jeer budhcad badeeda Soomaalida ay iska horyimaadeen oo baacsaday kana riday maraakiib ay afduubayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*