Latest News

Habkii Ay Huwantu U Qaybsadeen Hubkii Xasan Sheekh Usoo Diray

Laascaanood,April 19,2024(Haatufonline) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sii xoojiyey taakulaynta uu siiyo maleeshiyada Huwanta iyo Alshabaab ee ku sugan Laascaanood iyo Buuhoodle iyadoo uu bishan April gudaheeda ku caawiyey sadex kun oo qori. Qoryahan waxa diyaarad ku keenay Garoowe taliyaha ciidanka lugta er Somalia Dayax Cabdi Cabdille oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante iyadoo qorshuhu markii hore ahaa in laga dajiyo Laascaanood balse ay taasi suuroobi wayday ka dib markii ay diyaaradihii wada diideen inay ka dagaan Laascaanood amaan darro halkaas ka jirta awgeed.
Maleeshiyaadka Huwanta oo u kala fadhiya reeraha ay kasoo kala jeedaan ayaa qoryohaasi u kala qaybsaday sidan :
-Cismaan Maxamuud 1000 qori waxaana la wareegay Deni kaasoo dhigtay bakhaar ku yaala Qordho.
-Dhulbahante 1500 qori.

Shanti boqol ee qori ee hadhay waxa loo qaybiyey maleeshiyaadkii kale waxaana Cumar Maxamuud kusoo hagaagay 100 waana sababta ay ciidankoodii ugala baxeen Huwanta ee ay Gaalkacayo u qabteen.
Hubkani waxa uu Laascaanood soo gaadhay 13 April 2024.

Xasan Sheekh ayaa hubki,rasaastii iyo dhaqaalihii ay beesha caalamku ku caawinaysay sii uu kula dagaalamo Alshabaab ayaa haatan u adeegsada la dagaalanka iyo mijoxaabinta nabadda iyo deganaansha Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale waxa Xasan Sheekh dhawaan lacag lagaga qaaday abaabulka qas iyo iska horimaadyo ka dhaca Burco iyo Hargeysa iyadoo la adeegsanayo fanaaniin iyo odayaal dhaqan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*