Latest News

Lacagta Jeebka Ronaldo Kusoo Dhacday 67 Todobaad Ee Uu Al-Nasar U Ciyaarayey

Haatufonline,April 15,2024

Laacibka wayn ee Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka kubada cagta ee caalamka ugu mushaharka badan.
Ronaldo waxa uu bishi December ee sanakii 2022 ku biiray Naadiga Sucuudiga ah ee Al-Nasar iyadoo lagu qaatay lacag u dhiganta $ 223 milyan sanakii ama $ 4,288,846 todobaadkiiba.
Hadaba waxa Ronaldo u buuxsamay 67 todobaad intii uu kusoo biiray kooxda Al-Nasar taasoo dakhliga ilaa hadda usoo xarooday ka dhigaysa $287,352,682.

Ronaldo intii uu Sucuudiga usoo wareegay waxa uu kor uqaaday sumcadii tartanka horyaalka dalkaasi (Saudi Pro League ) iyadoo ay ciyaarhan caan ah oo kale ay ka daba yimaadeen oo ay haatan u ciyaaraan kooxaha kala duwan ee horyaalka Sucuudiga. Laacibiinta uu imaatinkii Ronaldo dhiirigaliyey inay Sucuudiga ka ciyaaraan waxa ka mid ah Neymar,Sadio Mane,Roberto Firmino,Karim Benzema,Riyad Mahrez iyo Ruben Neves.
Mudada heshiiska Ronaldo iyo Nasar ayaa ku eek badhtamaha sanadka 2025 .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*