Latest News

Col Jabay : R/wasaaraha VillaSomalia Oo Fariin Ku Socota Madaxda Dawladda Malawi U Mariyey Suxufiyadda Caanka Ah Ee Dumi Mizere

Muqadisho,December 20,2020(Haatufonline)-Raaisal wasaaraha VillaSomalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin u u dirayey madaxda dawladda Malawi oo uu kaga cabanayey booqashadii wasiirka Arimaha Dibadda Malawi Eisenhower Nduwa Mkaka uu doraad ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maryiyey suxufiyadda caanka ah ee reer Malawi Dumi Mizere ka dib markii ay masuiliinta xukuumadda Malawi ka qaban waayeen dhawr jeerna ku dhigeen telefoonka.

Waxay aheyd maalinti doraad markii ay Dumi Mizere @amizere barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ay ku muujisay siday uga yaabtay dadka tirada badan ee kasoo jeeda Somaliland ee iyagoo isticmaalaya baraha bulshada sababay in magaci Malawi uu mar kaliya qabsado internet-ka.

Raiisalwasaare Rooble ayaa waxa uu Dumi Mizere ku yidhi in fariinta uu doonoyo in dawladda Malawi laga gaadhsiiyaa tahay in Somalia aad uga xuntahay talaabada ay Malawi qaaday iyo waliba in dhawrki jeer ee ay la xidhiidheen xukuumadda Malawi telefoonka lagu dhigay .

Gabogabadi Mr Rooble wuxu yidhi “mid kaliya uunbaanu rabnaa oo ah inaan madaxbanaanidayda lagu soo xadgudbin ee intaas naga gaadhsii”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*