Latest News

Colaadaha Iyo Abaaraha Hadheeyey Geeska Afrika Iyo Deganaashaha Djibouti

Haatufonline ,October 4,2023.

Dalalka Geeska Afrika marka laga reebo Djibouti waxa hadheeyey colaado riiq dheeraaday,waxay seh dhamaantoood ka wada simanyihiin nabaadguur iyo abaaro soo noqnoqonaya oo inta badan loo nisbeeyo isbadalka cimilada ee ka jira dunida kaasoo saamaynta ugu daran u geystay wadamada saboolka ah gaar ahaan xoolo dhaqatada Geeska Afrika.
Djibouti waxa la odhan kara waxa dagaalada iyo colaadaha ka jira Geeska kala soo dabaashay madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geeleh.
Inkastoo ay jabhad hubaysan oo la magac baxday FRUD ay ka dilaacday waqooyiga Djibouti sagaashanaadkii qarnigii hore hadana colaadaasi waxa lagu dhameeyey wada hadal taasoo uu door aasaasi ah ka ciyaaray Mr Geele xiligii uu gacan yaraha u ahaa madaxweynihii horee Djibouti Xasan Guuleed .
Sanadkii 2001 isagoo xilka madaxweynaha cusub ee Djibouti hayey muddo sanad ka yar ayaa waxa uu Geele ku guulaystay inuu soo xareeyo koox ka falaagooday Frud iyadoo uu ku qanciyey inay nabada qaataan oo ay kasoo qaybgalaan geed socodka siyaasadeed ee dalka .
Hogaamiyaha Djibouti waxa kale oo uu kaalin wax-ku-ool ah ka geystay gurmadyo dhex dhexaadin ah oo lagu xalinayey xaaladaha cakiran iyo qalalaasaha siyasadeed ee ka jiray dalka Somalia laftiisa.

Madaxeyne Geeleh oo aan mar kale doorosho isu soo sharixi doonin marka u dhamaysto muddo-xileedkiisan, ayaa waxa hubaal ah in lagu xusuusan doono saamaynta togan ee ku lahaa xasiloonida dalkiisa iyo deganaanshaha Geeskaba,kaalintaas oo in la tabi doono iyo inkale la ogaan karo uun kadib marka uu xilka ka dego ama u muddo ka maqnaado.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*