Latest News

“Dhawrkii Bilood Ee u Dambeeyay Muwaadiniinya Reer Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Waxay La Kulmaayeen Xadhig Aan Hore Loo Arag” Dr Ciise Kayd

Hargeysa, April 29, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Dhawrkii bilood ee u dambeeyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay la kulmaayeen xadhig aan hore loo arag oo ay kula kacayaan hay’adaha dawladda Somalia.
Dr Ciise Kayd ayaa intaa ku daray in Dhacdooyinkan ay si dhow ula socdeen, isla markaana ay la xdhiidheen saaxiibada caalamiga ah, deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha xuquuqul insaanka anagoo ku boorinayna inay si deg deg ah u soo farageliyaan xadhigan lagu hayo hayo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho.
Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitterka waxaanu yidhi “Waxaa na soo gaadhayay warar dhiillo leh oo sheegaya in la jidhdilayo, isla markaana ay xidhan yihiin iyadoo aan maxkamad la soo taagin. Dhalinyarada Magacyada shaqsiyaadkaas iyo hay’adihii ay u shaqaynayeen waa kuwan.

  1. Mubaarig Nuur Cali (ICAO).
  2. Nuuradiin Ileeye (ICAO)
  3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi (ICAO).
  4. Khaliif Salaf (ICAO)
  5. Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).
  6. Almis Saleebaan (WFP).
    Waxaan ku boorineynaa saaxiibada caalamiga ah inay dhowraan xuquuqda aasaasiga ah ee dadka la xidhay iyo in si degdeg ah loo sii daayo

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*