Latest News

Dooni Kasoo Shiraacatay Yaman Oo Sidday 77 Itoobiyaan Ah Oo Ku Dagtay Xeebta Djibouti

Nairobi,April 24,2024(Haatufonline)- Dooni kasoo kicitintay Yaman oo ay saaraayeen 77 qof oo Itoobiyaan ahi ayaa ku dagtay meel ku dhaw xeebta dalka Djibouti oo lagu magacaabo Godoria taasoo ku beegan gobolka Obokh.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Socdaalku (IOM),waxa ilaa hadda lasoo hubiyey dhimashada 21 qof oo ay caruuri ka midtahay halka 23 qofna wali raq iyo ruuxna toona la la’yahay.
Waa markii labaad muddo laba todobaad gudahood ah ee uu shilkan oo kale ka dhaco xeebta Djibouti iyadoo sideedii bishan ay dooni sidday 60 qof oo ku socotay dhinaca Yaman ay ku dagtay isla goobtaasi (Godoria).
Isla bishii January ee sanadkan waxa halkaas ku degtay dooni kale oo u safraysay Yaman iyadoo ay ku dhinteen 52 Itoobiyaan ah oo ay ka mid ahaayeen 4 dumar ahi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*