Latest News

Markab Lagu Weeraray Meel Ku Dhaw Xeebta Somaliland.

London,April 24,2024(Haatufonline)- War kasoo baxay xafiis Ingiriiska u qaabilsan amaanka gaadiidka mara badaha ayaa lagu sheegay in maanta markab lagu weeraray meel u dhaw xeebta dalka Somaliland.
Sida xafiiskan laga soo wariyey waxa markabka agtiisa ka dhacay qarax wayn balse lama sheegin cid wax ku noqotay.
Goobtan weerarku ka dhacay oo dekadda Djibouti u jirta 130 km oo kaga beegan dhinaca koonfur bari ayaa qiyaas ahaan ku taala biyaha Gacanka Cadmeed oo waayihii hore loo yaqqaanay Gacanka Berbera .

Inkastoo aanay wali jirin cid sheegatay weerarkan hadana waxa laga shakisanyahay in Xuuthiyiintu ay ka dambeeyeen falkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*