Latest News

Shiinaha Oo Joojiyey Amaahdi Uu Ku Miisi Jiray Dalalka Afrika Iyo Sababta.

Haatufonline,April 22 2024.
Wadanka Shiinaha ayaa noqday dalka labaad ugu dhaqaalaha wayn dunida isagoo ku xiga Maraxkanka.
Laakiin dunida marka la eego Shiinaha ayaa hadana noqonaya dalka badeecadaha ugu badan dibadda u dhoofiya.
Waxay ahayd sanadkii 2013 markii uu madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iclaamiyey qorshe balaadhan oo la magac baxay Belt & Road Initiative kaasoo dalkiisu uu dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba isku kala bixinayo caalamka gaar ahaan dalalka Afrika oo ay Shiinuha dano badani kaga xidhanyihiin.
Siyaasaddan cusub oo ujeedadeedu tahay inuu Shiinuhu falowgeed qabto sidii badeecadaha uu dhoofiyo u gaadhsiin lahaa cid kasta oo soo dalbata meelkasta ha joogaane isla markaana aanay warshadaha Shiinaha uga kala go’in maadadaha iyo macdanaha caydhiin ee dalalka dibadda ugu yimaadda. Sidaas darteed Shiinaha ayaa ku dhaqaaqay qorshe balaadhan oo uu wado la isku halayn karo ugu samaynayo alaabta uu dhoofiyo iyo alaabta uu lasoo dagaba.
Hadaba Shiinuhu isagoo diiradda saaraya macdanaha kala duwan iyo shidaalka uu Afrika uga baahanyahay ayaa waxa uu dalalka Afrika badankooda ka hirgaliyey mashaariic loogu dhisayo kaabe-yaasha dhaqaale sida wadooyinka,dakadaha,madaarada iyo tareenada. Dhamaan mashaariicdasi wax lagu fuliyey amaaho ay baananka dawladda Shiinuhu bixiyeen oo lagu yeelanayo dalalka la siiyey iyadoo laga bilaabo sanadki 2000 ilaa 2022 uu Shinuhu Afrika amaahiyey dayn gaadhaya $170 bilyan.
Hadaba waxa sanadahan dambe aad isu dhimay lacagtii amaahda aheyd ee uu Shiinuhu siin jiray Afrika. Sanadkii 2021 waxay tirada amaahaha uu Shiinuhu Afrika siiyey ahaayeen todoba kaliya oo marka lacagtooda la isku geeyo noqonaysay $ 1.22 bilyan. Sanadkii ku xigay ee 2023 dhamaan daymanka uu Shiinuhu4 saxeexay ee uu dalalka Afrika siiyey waxay isugayn noqdeen $994 milyan oo kaliya.
Sababta uu Shiinuhu u joojiyey daymankii badnaa ee u siin jiray dalalka Afrika waxa loo nisbeeyaa dhawr qodob :
1.Dalalkii wax amaahday oo badankoodii waqtigii loo qabtay iskaga bixin kari waayey daymankii
2.Hoos u dhac ku yimid dhaqaalihii Shiinaha iyo dawladooda oo u jeedsatay dhincii gudaha
3.Saamayntii Covid 19
4.Shiinaha oo lagu dhaliilay in uu dalalka Afrika amaaho ku miisay si markay iska soo celin kari waayaan u u ula wareego hantididii Afrikaanka ee uu maalgaliyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*