Latest News

Ha Rafato Xukuumadda Farmaajo

Golaha amaanka ee UN ta ayaa Afrikaanka AMISOM u wakiishay Arrimaha Somalia. Bishii March 14, 2021 ayay ka dhammaatay muddadii ay nabadda kor joogaha ka ahaayeen ee arrinta Somalia. Haddana markuu maamulkii Farmaajo biri-birqeeyay, ayaa10 bilood loogu daray oo ku eg ilaa December 2021.

Dubbe ha loo sheego in aanu waxba eersan Jabuuti iyo Kenya, ee cidda “muslimin” doontaa Farmaajo in ay tahay Komishanka la dhaho PAPS, oo u taagan Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Afrika, oo UN tuna taageersan tahay. Komishanka cusub waxaa madax looga dhigay rug caddaagii Nigeria ee Ambassador Bankole Adeoye. Kaas oo ay ku qaasabanaan doonaan Maamulka Farmaajo inay soo hor fadhiistaan iyaga oo itaal daran.

Garnaqsigii Dhoodaan uu tiriyay 1974 kii … Markaas Dubbe, malaha Reer Kurtuwaaray buu ahaaye, muu garan ninkii loo tiriyay inuu ahaa Farmaajo adeerkii oo Siyaad Barre ahaa.
Siyaad Barre waxa uu xilligaas cunaha iskaga duubay, oo isagu sheegtay Xorayntii Somali Galbeed dadkuu ula baxay. Dhoodaana wuxuu u arkayay inuu sidaas ku luminayo qadiyaddii Ogadeenia ee caalamku ka garaabi lahaa.

Abwaan Dhoodaan taas oo keliya kumuu haysan Siyaad Barree, ee sidoo kale, waxa uu tibaaxayay sida uu Siyaad Barre u gumaaday Sxbadii “guushii” kacaanka u horseeday. Oo badhkood uu gawracay, sida Caynaanshe, Gabayre iyo Dheel. Qaar kelena digniin bay u ahayd, siduu markii dambe ugu diray xabsi dheer rag ay ka mid ahaayeen Ismaacii Cali Abokor, Carte iyo Dr. Mohamed Adan Sheekh.

Waayuhu sidaas kuma tagee, waa cel-celis. Ee bal maantaba eega Af-xumada maamulka Farmaajo, oo ka hidda qabta tii Siyad Barre, oo uu hadda ku maagayo Jabuuti oo ahayd tii godka dheer ka soo saartay Somalia. Inaga oo og xoreyntii Jabuuti in aanay Somalia shaqo ku lahayn, ee cidda gargaartay Jabuuti ay ahayd reer Somaliland … Sidoo kale, bal eega Farmaajo siduu tacshiiradda u huwiyay ee uu uga abaal-ka-daray sxbadiisii siyaasadda baray ee Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre. Waar ninku ninkaan ogaa u ekaa!

“Markuu caga gubyaysnaa ninkaan jaamaha u geliyay
Isaguna kabtayda gubaan gacalkay moodaayay

Markuu geed koraayaba ninkaan badhi gantaalaayay
Isna laanta ila gooynayaan gacalkay moodaayay

Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaarida u mehershay
Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayay

Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise
Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin
Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo”

(Cadullaahi – Dhoodaan)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*