Latest News

Rooble Iyo Farmaajo Oo Xalay Iyo Saakaba Isku Dhacay Iyo Sababaha

Muqdisho,April 25 2021(Haatufonline)-Riisalwasaraha Somalia Maxamed X Rooble iyo madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamad C Farmaajo ayaa xalay iyo saakaba isku dhacay kadib markii uu Rooble usoo bandhigay Farmaajo in aan meesha waxba u oolin oo ay tahay inay is-casilaan sii dawladnimadii dalka looga badbaadiyo burbur ku dhaca.
Waxa maalmahan dambe socday dadaal iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeedba oo beesha caalamku daraf ka tahay oo lagu doonayo sidii is-faham looga gaadhi lahaa in la sameeyo xukuumad sii haye ah (Care-taker government) oo Rooble raiisalwasaare ka yahay oo muddo gaaban doorasho dalka ugu qaban qaabisa hasa yeeshee Rooble ayaa hindisehaasi ku xidhay shardi ah in marka hore uu Farmaajo is-casilo waxaana soo ifbaxaya in beesha caalamku ay cadaadis ku waddo Farmaajo sidii uu isu casili lahaa taasoo sida la sheegay uu Farmaajo haatan u muuqdo nin arinkaa u dhago nuglaaday isla markaana uu isu diyaarinayo aqbalaadda waaqica cusub ee milateri ahaan ka abuurmay magaalada Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*