Latest News

Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalladii Kasoo Yeedhay Wasiirada Arrimaha Dibedda G7

Hargeysa, April 20, 2024 (Haatufonline) – Xukuumadda  Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay dalalka G7 oo kulan ku yeeshay dalka Talyaniga, kuwasoo Somaliland ku tilmaanay gobol kamid ah Somaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa lagu yidhi  “Ugu horrayn Xukuumadda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxay  si weyn uga xumaadeen habkii loo dhigay war-murtiyeedka kasoo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka G7  kuwasoo  jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay gobolka tirsan somaliya.

Xukuumada Somaliland waxay ku tolmaantay in aan la aqbali karin in dawladaha G7 iyaga oo si fiican u og taariikhda midawgii labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya oo runtii aan lahayn wax sharci ah iyo kala diristii midowgaas ka dib burburkii dawladdii Soomaaliya, in loo tixraaco Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigan gobol kamid ah somaliya. Magacyo ay bixiyaan iyo in la isku dayo in la masaxo taarikhda, Maha wax bedelaya xaqiiqada.
jamhuuriyadda Somaliland, waa qaran madaxbannaan oo leh shuruuc iyo dastuur u gaar ah, oo ay shacabka Somaliland ku xaqiijiyeen afti dastuuri ah oo dimuqraadi ah.

Waxa jahawareer ku noqotay in la arko G7 oo sitay tooshkii dimuquraadiyadda ee danta diblumaasiyadeed, go’aansaday inay dayacaan xaqiiqada  dimuqraadiya iyo xasiloonida Somaliland.

Qaranimada Somaliland waa mid muqadas ah oo aan gorgortan geli karin, Xukuumadda Somaliland waxay si cad u diidaysaa, isku day kasta oo lagu wiiqayo himilada nabadeed ee shacabkeeda.

Ugu dambayn, Xukuumadda Somaliland waxa ay u soo jeedinaysaa G7-da inay ka fiirsadaan colaadaha sii kordhaya ee Soomaaliya iyo isku dayga ay hoggaankoodu ku doonayaan inay dib u soo celiyaan khilaafaadyo taariikho hore ah oo guud ahaan gobolka iyo gaar Muqdisho xaalada ay ku jirtaa ay tahay mid nugul oo aanay awoodi ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee war-murtiyeedka wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka G7, ayaan lagu
cambaarayn heshiiskii Is-afgaradka ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, inkastoo ay ku booriyeen somaliya inay la gasho Wadahadalo wax dhisaya Itoobiya, lagana foggaado wax kastaa oo xaalada si hurinaya.
Dhinaca kale dawlada somaliya ayaa soo dhowaysay warmurtiyeedka Dalalka G7, waxanay sheegtay inay aqoonsan tahay dedaalada wax lalagaga qabanaayo sugnaan la,aanta cuntada, saboolnimada iyo isku dhacyada hubaysan, iyo weliba, barakaca iyo cimilada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*