Latest News

Kenya Oo Xasan Sheekh U Bandhigtay Heshiis Dawladaha Bariga Afrika Ku Wadaagayaan Isticmaalka Badaha.

Nairobi, April 12, 2024 (Haatufonline) – Dawladda Kiiniya ayaa Xasan Sheekh u bandhigtay heshiis ay dawladaha bariga Afrika ku wadaagayaan isticmaalka iyo khayraadka badaha.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters; Kiiniya ayaa soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah gaar ahaan gobolka, wax lagaga qaban karo xiisadda u dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Heshiiska ay dawladda Kiiniya soo jeedisay in la hir geliyo ayaa ah mid salka ku haya isfahankii sannadka bilowgiisii dhex maray dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, sida uu sheegay Khamiistii shalay sarkaal sare oo Kiiniya ka tirsan.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa 1 dii bishii Jeenawari ogolaatay in ay kiraysato 20 km (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dawlad haysata madax-bannaani taabbagal ah tan iyo 1991-kii, iyada oo Itoobiyana soo bandhigtay in ay arrintaa ku beddelato aqoonsi ay Somaliland hesho.

Arrintaas oo ay Soomaaliya ka qaadday sas iyo jahawareer.

Heshiiska ay Kiiniya soo jeedisay ayaa lagu sheegay in iyada oo lala tashanayo Jabuuti iyo dawladaha kale ee xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD laga arrinsado sidii dawladaha aan badda lahayn ee gobolku u heli lahaayeen dekedo ganacsi, waxaana sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Korir Sing’oei, xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Kiiniya.

“IGAD waxa ay awood u yeelan kartaa in ay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda” ayaa uu yidhi.

Labada madaxweyne ee Kiiniya iyo Soomaaliya, William Ruto iyo Xasan Sheekh ayaa khamiistii ku kulmay caasimadda dalka Kiiniya ee Nairobi, kulan kaas oo qayb ka ah dedaallada lagu doonayo in lagaga gudbo is-maan-dhaafyada diblomaasiyeed ee jira.

Dawladda Xasan Sheekh ayaa isku dayday tallaabo kasta oo ay kaga hortegi karto hashiiska is-afgarad ee ay wada gaadheen labada dawladood ee Itoobiya iyo Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo Xasan Sheekh dhawr jeer oo hore uu sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Itoobiya siiso marin-biyood, hase yeeshee taa beddelkeeda ay Itoobiya ka soo noqoto la-macaamilka Somaliland.

Heshiiskan Kiiniya laga soo sheegay ayaa noqonaya isku daygii u danbeeyey ee dawladda Muqdisho ay qaaddo, ka dib markii laga hoos qaadi waayey dhammaan isku dayadii hore.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*