Latest News

Tareenkii Isku Xidhayey Addis Ababa Ee Shiinuhu Maalgaliyeen Oo Ku Fashilmay Inuu Isbixiyo

Addis Ababa,April 13,2024(Haatufonline) – Waxay aheyd muddo haatan laga joogo toban sanadood ku dhawaad markii xadhiga laga jaray mashruuc tareen ah oo ay maalgaliyeen Shiinuhu kaasoo loogu talo galay inuu isku xidho Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa iyadoo xiligaa loo arkayey in tareenkan casriga ahi uu xal u noqon doono adeega gaadiidka dadweynaha oon magaalada ku filayn isla markaana dadka ku nool oo badankooda ay dhibaato ka haysatay inay helaan adeeg gaadiid oo ay awoodi karaan inay iska bixiyan kirada lagu raaco.

Hadaba tareenkii rajada weyn laga qabay waxa uu maanta ku biiray mashaariic Afrika lagaga hirgaliyey dayn Shiinaha laga qaatay oo markii dambe fashilmay.
Ku talogalku wuxu ahaa in dad tiradoodu gaadhayso 60,000 ay hakii saacadoodba raacaan tareenka hasa yeeshee waxa hadda maalinta oo dhan raaca ilaa 58,000 qof taasoo tareenkii ka dhigtay mid aan isbixin karayn.

Hadaba maxa dhacay?
Mashruucan oo ku kacay $475 milyan oo 85% ahaa dayn laga amaahday Bank laga leeyahay Shiinaha ayaa u muuqda mid aan si fiican loo darsin oon looga baaraan dagin markii la qorshaynayey oo waxayaabaha markiiba ka horyimid waxa ka mid ah laydhka (korontada) uu ku socdo tareenku oo kala go’a iyo biraha lagu dayactiro xadiidka oo ay khasab noqotay in Shiinaha lacag adag lagaga soo iibsado iyo waliba farsamoyaqaanadii maxaliga ahaa oon lahayn aqoontii xirfadeed ee loo baahnaa.

Hadda wuxu tareenku ku shaqeeya amaah looga qaado baananka dalka taasoo ku biiraysa daynkii hore ee Shiinuhu lahaa oo laftiisa laga sugayo inuu mashruucu bixiyo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*