Latest News

Safaarada Maraykanka Oo Digniino Amni Kasoo Sartay Somalia.

Muqdisho, April 11, 2024 (Haatufonline) – Sadaarada Maraykanka ee Somaliya, ayaa digniin amni kasoo saartay Somaliya, waxanay ugu Baaqday dhamaan dhaqdhaqaaqyada  hawlwadeenada Safaarada Maraykanka ee somaliye in la joojiyay.
Maraykanka waxa uu ku booriyay muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho, inay sameeyaan taxader sare todobaadka soo socda.
Sidoo kale waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa la talinta heerka 4 aad gaadhsiisay amniga Somaliya, gaar ahaana Magaalada muqdisho, taasoo micnaheedu tahay inaan loo safri karin, maadaama oo laga cabsi qabo inay ka dhacaam weeraro Argagaxiso oo qorshaysan, oo lagu bartilmaameedsado Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade, Dekeda muqdisho, Huteelada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Digniintan Amni ee ka soo baxday maanta oo khamiis ah, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Waxaanu  xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan shirqoolada afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale. Waxaana laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin la’aan ah, iyagoo beegsanaya garoomada, isbaarooyinka, dhismayaasha dawladda, makhaayadaha, meelaha laga dukaameysto, iyo meelaha la isugu yimaadaan.
Dhawaaqan Amni ee ka soo baxay Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa noqonaya kii labaad, waxaanu ku soo beegmayaa saacado ka hor markuu kooxda Alshabaab weerar ku qaaday Saldhig Milatari oo ku yaala Koonfurta Somalia, gaar ahaana Jubbaland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*