Latest News

Kenyatta Iyo Biixi Oo Kulan 2aad Yeelanaya Iyo Wadahadalada 2-da Wafdi Ee Somaliland Iyo Kenya Oo Dib U Bilaabmaya Barito Salaasada

Nairobi,December 14,2020(Haatufonline)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxay barito Salaasada Nairobi ku yeelan doonaan kulankoodii labaad kadib markii ay maanta shir ku yeesheen madaxtooyada Kenya.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Kenya labada wafdi ee ay kala hogaaminayaan Biixi iyo Kenyatta waxay wadaxaajoodkoodii rasmiga ahaa ee u horeeyey maanta galinki hore ku yeesheen madaxtooyada Kenya iyadoo ay wada-hadalada labada dawladood dib u bilaami doonaan barito Salaasada.

Warsaxaafadeedka madaxtooyada Kenya oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka dawladda Kanze Dena Mararo waxa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisu ay shalay dalka Kenya ku yimaadeen booqasho rasmiya isla markaana ay labada dhinac ka wada hadli doonaan arimo la xidhiidha danahooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*