Latest News

Khudbadiisa Bari Deni Ha Iska Ilaaliyo Hal Qodob Oo Ka Farxinaya Farmaajo

FAALLO.  By Staff Writer April 15,2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa  bari Sabtida khudbad ka horjeedin doona golaha Baarlmanka dawlad goboleedka Puntland waxaana la filaya in uu ka waramo socdaalkiisii Muqdisho ee mudada dheer qaatay iyo dadaalkii loo galay in doorasho ka qabsoonto Somalia iyo sababihii fashiliyey inay qabsoomi waydo iyo waxay Puntland ahaan ka yeelayaan arintaasi.

Runahaanti Siciid Deni  iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamkuba waxay u dhabar adeygeen tacab badanna galiyeen sidii ay doorasho hagaagsani uga hirgali laheyd Somalia.
Deni iyo Madoobe mudadi bil-ku- dhawaadka aheyd ee ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay muujiyeen dulqaad iyo bisayl siyasadeed waayo Farmaajo wax walba wuu ku dayey sidii intay cadhoodaan Xamar uga tagi lahaayeen.
Laakiin ninka is-hayn kari waayey ee isagu aakhirkii cadho maryaha dhigtay wuxu noqday Mr Farmaajo oo waa kii wadahadaladii ka baxay ee mudo kordhin xaaraan ah ku badashay.

Deni iyo saaxiibadii  way ka guulaysteen Farmaajo oo maanta Farmaajo dhulka ayuu yaalaa,wax ka dhaca mooyaane wax usoo kordhayaana ma jiro.
Hadaba khudbadiisa bari madaxweyne Deni midh ha ka ilaaliyo kaas oo ah Puntland way ka goosanaysaa Somalia inteeda kale waayo qodobkaasi wuxu siyaasiyan soo noolayn karaa Farmaajo iyo intii ku xeernayd,waxaanan filaya in madaxweyne Deni fahmi karo oo aanu u baahnayen in loo sharxo sababta uu qodobkaasi u keeni karo in Farmaajo madaxa lasoo kaco.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*