Latest News

Xamar Iyo Abaabul Ciidan Oo Laba Dhinac Oo Iska Soo Horjeeda Ka Kala Socda

Muqdisho,April 16,2021(Haatufonline)-Waxa magaalada Xamar  ka socda abaabul ciidan oo ay kala wadaan kooxda Farmaajo iyo Beeloweynta Hawiye waxaana laga cabsi qabaa in waqti aan dheeraynba ay labada dhinac isku dhacaan.
Sida la ogsoonyahay kooxda Farmaajo ayaa labadii bilood ee u dambeeyey u diyaargaroobaysay in mudo kordhin loo sameeyo,waxaanay magaalada Muqdisho kusoo ururisay ciidamo badan oo qaar ka mid ah laga soo celiyey faroomahii Alshabaab lagula dagaalamayey iyadoo qorshahooda ahaa in xoog ciidan lagu muquuniyo dadka diida mudo kordhinta.
Inkastoo hogaamiyeyaasha siyasadeed ee mucaaridka iyo shicibka Somalia ay ka wada simanyihiin diidmada mudo kordhinta hadana waxay kooxda Farmaajo culayska saartay sidii ay u cabudhin laheyd una xoog sheegan laheyd  qabiilka Hawiye ee Muqdidho dega .
Hadaba beelaha Hawiye ayaa hadda galay abaabul ay iskaga caabiyaan weerarada kaga soo maqan kooxda Farmaajo,waxaanay u dhawdahay in kooxda Farmajo aanay sugin diyaargarowga coladeed ee Hawiye oo ay iyadu weerarka bilowdaba.

Ciidamada kooxda Farmaajo ayaa waxa isticmaalayaan hub iyo tekniko uu Turkigu siiyey waxaana ay taasi Turkiga usoo jeedi doontaa sumcadxumo iyo ka qaybgalka danmbiyo dagaal oo dada shivib ah la gula kacay hadii ay kooxda Farmaajo teknikadaasi ku isticmaasho dadweynaha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*