Latest News

Kulan Muqdisho Ku Dhexmaray La Taliyaha Amniga Itoobiya Iyo Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho, November 24, 2020 (Haatufonline) – La taliyaha dhinaca Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya Gedu Andargacho ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka La Taliyaha dhinaca Amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaanay shaacin Madaxtooyada Villa Soomaaliya, hase yeeshee safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa ayaa sheegay in La taliyaha iyo madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.

Safiirka ayaa intaa ku darray in Gedu Andargacho uu madaxweyne Farmaajo soo gaadhsiiyay fariin uu uga siday Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Wuxuu sheegay in la taliyaha iyo madaxweyne Farmaajo is weydaarsadeenn wax-yaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Warkan ka soo baxay safaaradda Itoobiya iyo booqashada La taliyaha dhinaca Amniga ee dalka Itoobiya ayaa imanaya xili dhawaan xilka si degdeg ah looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hor inta aan xilka laga qaadin xafiiska ay ka soo baxday warbixin uu uga hadlayay mowqifka Soomaaliya ee dagaalka ka soconaya dalka Itoobiya taasoo loo maleynayo in ay sabab u noqotay xil ka qaadistiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*