Latest News

Mamnuuciddii Tartankii Kubada Cagta Ee Hablaha Oo Somaliland Usoo Jiiday Cambaareyn Caalamiya Oo Hadhaysay Guulihi Diblomaasiyadeed Ee Dhawaan Dalka Usoo Kordhay.

FAALLO

Hargeysa,December 18,2020(Haatufonline)-Tartankii kubadda cagta ee hablaha ee la joojiyey ayaa Somaliland usoo jiiday cambaareyn caalamiya oo qarisay guulihii diblomaasayadeed ee ka dhashay socdaalkii uu madaxweyne Biixi todobaadkan ku tagay dalka Kenya iyo saameyntii siyaasadeed ee ay booqashadaasi ku yeelatay Somalia iyo guud ahaan bariga iyo geeska Afrikaba.Dhamaan wakaaladaha wararka iyo warbaahinta caalamku waxay maanta qaadaadhigayeen oo ay si wad wadi doonaan maalmaha soo socda tabinta warka ku saabsan dhacdadan.

Siday sheegtay Wasaaradda Ciyaaaha ee Somaliland tartankaa kubada cagta ee hablaha waxa khasab kaga dhigay inay joojiyaan culays kaga yimid culimada dalka oo ku dacwootay in tartankaasi waafaqsanayn diinta Islaamka.Xataa lama sheegin qodobada diiniga ah ee hablaha reer Somaliland u diidaya in iyagoo asturan ay dhexdooda kubad wada ciyaaraan ee ay kaga duwan yihiin hablaha dhamaan dalalka Muslimka kale ee la ogolyahay tartanada ciyaaraha noocan ah ee hablaha u gaarka ah.Wasaaraddu qaraarkeeda xataa umay cuskan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Talaabadani waxay dabcan meel-ku-dhac ku tahay karaamada iyo sharafta hablaha reer Somaliland ee iyagoon wax xumaan ah ku kicin la midiroortaynayo ee wax aanay shaqo ku lahayn lagu masabidayo.Waxa kale oo ay gaf ku tahay waalidiintii hablaha ku barbaanisay tababarka ciyaarta.

Maaha markii u horaysay ee ay culimo aan la garaneyn meel ay ka tisanyihiin iyo cidda wakiilatay ay Somaliland ka dhex aloosaan xiisad ay bulshada ku khalkhalinayaan isla markaana ku carqaladaynayaan geedi socodka Somaliland ugu jirto inay ka mid noqto dalalka la aqoonsanyahay ee dunida.Waa kooxseh la garanayo oo cadowga Somaliland ka amar qaadata oo iyagoo dalka dhexdiisa jooga diinta u adeegsada inay kula dagaalamaan madaxbanaanida iyo wada jirka Somaliland, waxaanay dabada galiyeen oo ay is-xulufaysteen qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn ee Somaliland ee Xamar danaha ku yeeshay ee hoosta ka doonaya in Somalia la isku noqdo.Culimadan marwalba dadka lagu khuukhinaya waa koox iska dhigta inay diinta difaacayso balse dano kale leh.Tusaale ahaan marwalba oo sharciga baananka la horkeeno baarlamanka dagaal ayey ku qaaddaan in aan la ansixinin oo masaajidada waxay ka sheegaan in komishanka ama khidmadda 5% ah ee baananku ka qaataan daymanka ay bixiyaan ribo tahay halka ay faaiidada 18% ah ee ay daka ka qaadaan afarta Xawaaladood ee baananka Islaaniga ah isku sheegaa ay xalaal yihiin.Waa niman culimo sheeganaya oo difaacaya isla markaana u adeegaya dano iyo ujeedooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka dhan ah Somaliland.Warkooda waxaad hadana maqli doontaa marka uu soo dhawaado habeenka sanadka cusubi.

Hadaba dawladda Somaliland waxa la gudboon inay habrashada iska dayso oo ay kooxdan Islaam ceebayska ah dalka ka qabato intay goori goor tahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*