Latest News

Somalia Oo Sheegtay Inay Xidhay Xubno Ka Tirsan Danab Oo Xaday Raashin Maraykanku Ugu Deeqay

Muqdisho, April 27, 2024 (Haatufonline) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay oo ay xidhay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee uu Mareykanku tababaray ee Danab, kuwaas oo xaday raashiin uu ugu deeqay Maraykanka,  waxaanay intaas ku dartay in ay la wareegayso mas’uuliyadda bixinta ciidanka.
Ciidanka Danab ayaa ahaa tiir muhiim u ah dadaallada Maraykanku uu taageerayo ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.
Maraykanku wuxuu ogolaaday bishii February inuu bixiyo in ka badan $100 milyan oo doolar si loogu dhiso ilaa shan saldhig oo milatari ee Danab.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay saaxiibada caalamiga ah ku wargeliyeen xatooyada, isla markaana la wadaagi doonaan natiijada baadhitaankeeda.
Sarkaal Mareykan ah ayaa ku sheegay hadal uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadato dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa.
“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tillaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago shilalka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmada mustaqbalka,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan si toos ah uga hadlin in wax taageero ah oo Mareykan ah mar hore la joojiyay.
Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii ogolaaday in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000-askari oo ka tirsan Danab si ay uga fal-celiyaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kooxdan ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii waday kacdoon ka dhan ah dowladda dhexe.
Danab ayaa tan iyo sanadkii 2022-kii si weyn ugu lug lahaa guluf militari oo ay qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedyo is garabsanaya oo markii hore lagu guuleystay in Al-Shabaab lagala wareego deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee ololahan ayaa noqday mid dhumiyay, iyadoo ciidamada dowladda oo is garabsanaya ay la daalaa dhacayaan sidii ay dhulka miyiga ah gacanta ugu dhigi lahaayeen, waxaana Al-shabaab ay sii wadaan weeraro waaweyn oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho.
Washington ayaa hakisay qaar ka mid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay Soomaaliya 2017 ka dib markii milatarigu ay ku xisaabtami waayeen cuntada iyo shidaalka.
Sidoo kale Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka fuliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan ee lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*