Latest News

Shacabka Caasimada Somaliland Oo Taageero U Muujiyey Ciidanka Qaranka

Hargeysa, August 29, 2023 (Haatufonline) – Isku Soo Bax Balaadhan oo taageero loogu muujinayo ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa Staduim.
Isku Soo Baxan ayaa waxa ka soo qaybgalay kumanaan shacabka caasimada ku dhaqan, Salaadiin Tuute soo xidhay iyo madaxda dawlada Somaliland.
Masuuliyiintii la hadashay shacabkan ayaa muujiyey sida loogu soo duulay nabadgalyada qaranka iyo xuduudaha dalka, waxaanay ku baaqeen sida ugu dhakhsaha badan loo xaqiijiyo xuduuda Somaliland.
Ciidamada Qaranka ee taageerada loo muuninayo ayaa 7dii bilood ee u dambeeyey dagaal kula jiray kooxo Huwan iyo Argagixiso isugu jira oo ka soo duulay Puntland iyo Mudug.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*