Latest News

Tareen Isku Xidhaya Dakedda Lobito Ee Angola Iyo Dhulka Macdanta Laga Qodo Ee DRC Iyo Zambia.

Lobito,April 20,2024(Haatufonline) – Midowga Yurub iyo Maraykankan ayaa taageero buuxda la daba taagan mashruuc laga fulinayo Qaaradda Afrika oo u muuqda inay kula tartamayaan mashaariicda kaabo-yaasha dhaqaale (infrastructure) ee faraha badan ee Shiinuhu ka hirgaliyey dalalka Afrika.Waxa dabayaaqadii sanadkii 2023 qalinka lagu duugay heshiis lagu samaynayo tareen isku xidhaya dekadda Lobito ee ku taala Badwaynta Atlantic-ga ee dalka Angola iyo dhulka macdanta laga qodo ee ku kala yaal labada dal ee D R Congo iyo Zambia.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag lagu qiyaasay $1.7 bilyan ayaa waxa iska kaashanaya sadexda dal iyo shirkado maalgalinaya oo ay hogaaminayso Trifagura oo laga leeyahay dalka Switzerland iyadoo ay Maraykanka iyo Midowga Yurub ay labadooduba mashruucan la barbar taaganyihiin taageeradooda maalgalineed. Khadka tareenkan ayaa noqonaya mid ka bilaabmaya dekadda Lobito ee Angola waxaana dherarkiisu masaafad ahaan noqonaya 1,300 km ilaa inta laga gadhayo magalada Luau ee ku taala xadka Angola la leedahay DRC halkaas oo isla markaana si dhib yar looga gudbi karo dhinaca dalka Zambia laftarkiisa.
Khadkan ayaa waxa loo bixiyey “Lobito Corridor” waxaana laga dhoofin doonaa macdanta Nuxaasta iyo Cobalt-ka oo ah maadad laga sameeyo baytariga baabuurta korantada ku shaqaysa,telefoonada mobile-ka, tiknoolajiyadda lagu sameeyo qaar ka mid ah hubka casriga iyo waxyaabo kale.
Shirkadda Trafigura ee maalgalinta ugu wayn ee mashruucan bixisay ayaa muddo 30 sanadood ah gacanta ku hayn doonta maamulka tareenkan.
Labada dal ee Kongo iyo Zambia ayaa kaga maarmi doona isticmaalka wadadi dheereed ee la marin jiray macdantooda si looga dhoofiyo dekadda Durban ee ku taala Koonfur Afrika taasoo waqti dheer iyo juhdi badan qaadan jirtay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*