Latest News

Somalia Waxay Caalamka Ka Heshay Waanu Ixtiraamaynaa Midnimadiina Laakiin Ma Jirto Dawlad Cambaaraysay Heshiiska SL & Eth Laftiisa

Hargeysa,January 5,2023(Haatufonline)- Qaar ka mid ah dawladaha iyo ururada caalamiga ah oo ka jawaabaya calaacalkii xukuumadda Villa Somalia ee ku saabsanaa heshiiskii badda ee Somaliland iyo Ehiopia ayaa sheegay inay ixtiraamayaan madaxbanaanida iyo midnimada Somalia taasoo ay awalba odhan jireen oon ahayn wax cusub.
Laakiin seh ma jirto ilaa hadda dawlad ama hayad caalamiya oo cambaaraysay heshiiska laftiisa ama ku macnaysay in lagu gafay Somalia.
Hasayeeshee reer Somalia gaar ahaan qaar kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha halkaas ku nool ee laga badanyahay ayaa buunbuuniyey hadalada diblomaasiyadeed iyo afka macaan ee lagula hadlay Somalia een habayaraatee kasoo horjeedin waxna yeelo karayn wax-wada-qabsiga Somaliland iyo Ethiopia.
Dhinaca kale safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa ambassador Mesganu Arega ayaa so dhaweeyey iskaashiga badda ee Somaliland iyo Ethiopia,sidaana waxa bartiisa twitterka ku sheegay wasiirul dawlaha Arimaha Dibadda ee Ethiopia ambassador Mesganu Arega ka dib markii ay xafiiskiisa ku wada kulmeen danjiraha Ingiriiska.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*