Latest News

Wasiiro Iyo Taliyaha Milatariga Somaliland Oo Oog Ku Soo Dhaweeyey Ciidamo Ka Soo Baxay Dugsiga Sheekh

Oog, September 5, 2023 (Haatufonline) – Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga Somaliland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka ayaa Taliska Oog ku Soo Dhoweeyey Ciidamo Cusub oo Tababar ku Soo Dhamaystay Dugsiga Tababarka ee Sheikh.

Ciidamadan cusub ayaa ka qayb qaadan doona hawlgalada lagu sugi doono xuduuda Somaliland ee bariga.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlayey ciidanka soo gaadhay Oog ayaa sheegay in loo baahan yahay inay cududooda ku biiriyaan ciidanka isla markaana maalintan maalinteeda ay sameeyaan talaabooyin lagu sugayo xadka Jamhuuriyada Somaliland.

“Maanta maalinteeda waxaan rabaa in aad keentaan guul weyn oo cadowga jabisaan, oo aan isku waraysano meel aan halkan aheyn, aniguna waan idin hor-soconayaa waana idinla joogayaa..”ayuu yidhi Taliye Nuux Taani oo kula hadlayey Magaalada Oog Ciidamo cusub oo ka soo baxay dugsiga tababarka ciidamada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*