Will u dhalay hogaamiye sare oo ka tirsan Alqaacida oo lagu dilay Yemen.
Haatufonline,February 19,2026
Al-malaaxem oo ah bar warbaahineed oo Alqaacida-da Yemen ku leedahay internet-ka , ayaa lagu sheegay in dhawaan duqayn lagu dilay Idriis al-Masri oo ah wiil u dhalay sarkaal sare oo ka tirsan Alqaacida oo lagu magacaabo Ibraahim Abu Saalex al-Banaa kaasoo magaciisa afgarashada loo yaqaan Al-hasan al-haashimi.
Albaanaa ayaa tacsi ku saabsan geerida wiilkiisa oo uu soo dhigay bogga Al-malaaxem wuxu ku sheegay in wiilliisa iyo xubno kale oo ka mid ahaa dagaalyahadii ugu firfircoonaa ururka Alqaacida ee Yemen ay ku qudhbaxeen duqayn lala beegsaday xili ay ku sugnaayeen tugga Abu Cubayda ee ku yaala gobolka Maarib ee waqooyiga Yemen. Albanaa oo da’diisa lagu qiyaaso 65 kana soo jeeda dalka Masar ayaa ka mid ahaa ruugcadaagi aasaasay faraca Alqaacida ee Yemen isla markaana bilaabay xidhiidhka iskaashi ee alqaacida iyo Xuutiyiintu wada yeesheen.
Dawladda Maraykanka ayaa hore ugu dhawaaqday abaal marin $5 milyan ah oo la siinayo cidda soo xaqiijisa goobta uu Ibraahim Albanaa ku suganyahay. Albanaa oo muddo dheer warkiisu saaxadaha ka maqnaa ,ayaa qabaailka reer Yemen uga mahadnaqay waxa uu ku tilmaamay teegarada ay ururka Alqaacida u muujiyeen taasoo loo fahmay inuu ku beerlaxawsanayo dadka ku nool deegaanka.
Qayb ka mid ah gobolka Maarib ayaa waxa ka taliya ciidamada xisbiga Al-islaax ee u janjeedha xagga ururka caalamiga ah ee Akhwaanul muslimiin. Joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqa Alqaacida ayaa aad looga dareemaa gobolka Maarib iyadoo xisbiga Al-islaax lagu xanto inuu u dabcsanyahay kooxda Alqaacida. Sido kale xubnaha Alqaacida waxay dhex maraan qaybta Maarib ee hoostimaadda Xuutiyiinta, waxaana taas u saamaxaya heshiiska iskaashi ee ay wada leeyihiin labada kooxood ee Alqaacida iyo Xuutiyiintu.
Leave a comment