Latest News

Xuuthiga Oo Qaaday Weeraro Ku Dhaw Djibouti Iyo Cadan Iyo Maraakiib Wax Ku Noqotay

Sanca,February 20,2024 (Haatufonline) – Siday wakaaladaha wararku sheegeen,Xuuthiyiinta Yaman ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay weeraro ku qaaday maraakiib maraysay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed taasoo ay waxyeelo kasoo gaadhay.
Weeraradan oo Axaddi iyo Isniinti ka dhacay meelo u dhaw Cadan iyo Djibouti waxay Xuuthiyiintu u adeegsadeen diyaaradaha miinaysan ee Drone-ka iyo gantalaha u gaarka ah ciidamada badda.
Gaadiidka badda ee la weeraray waxa ka mid ahaa markab ka diiwaangashan Marshall Islands kasoo sida la sheegay ay waxyeelo koobani soo gaadhay xili uu maraayey meel 110 km u jirta Djibouti,mana jirto cid ka mid ahayd shaqaalehiisii oo wax ku noqotay.
Dhinaca kale ciidamada Maraykanka ayaa Isniinti sheegay in markab laga leeyahay dalka Belize oo magaciisa la yidhaa Rubymar ay Axaddi cuskadeen 2 gantaal oo ay soo rideen Xuuthiyiintu isla markaana laga daad gureeyey shaqaalihii saarnaa.
War Xuuthigu soo saarayna waxay ku sheegeen in markabkaasi ay biyo soo galeen oo uu dagayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*