Latest News

Daacish Oo Qiratay In Sarkaal Ajnebi Ah Lagu Dilay Duqayn Ka Dhacday Buuralayda Bariga Puntland

Boosaaso, August 4, 2020 (Haatuf) – Kooxda Daacish ayaa
bayaan dheer oo ay soo saartay waxay ku shaacisay geerida Khalid Jama Mohamed
oo loo yaqaano Osman Abu Osama al-Muhajir oo katirsanaa saraakiisha Daacish ee
ka howlgalayay gudaha Soomaaliya.

Bayaanka ISIS, ayaa lagu sheegay in Abu Osama al-Muhajir
oo xubin muhiim ah ka ahaa hawlgalada warbaahinta ee Wilayat al-Sumaal oo ah
garab kamid ah Daacish, lagu dilay gantaal ay la beegsadeen diyaaradaha aan
duuliyaha laheyn ee Africom, xilli uu ku sugnaa Buuralayda gobolka Bari ee
Puntland.

Osama al-Muhajir, ayaa horey uga tirsanaan jiray kana
hawlgali jiray warbaahinta sare ee kooxda al-Shabaab.

Wuxuu ku biiray Al-shabaab qiyaastii 2010. Wuxuu tababar
militeri ku soo qaatay xeryaha Al-Shabaab ee ku yaal caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho iyo gobollada Baay iyo Bakool.

Intii uu ku jiray Alshabab, ayaa lagu dhaawacay dagaallo
dhex maray al-Shabaab, dawladdii ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (TFG) iyo
ciidamada Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Alshabaab waxay markii dambe ku xukumeen hal sano iyo
sideed bilood oo xanbsi ah, kadib markii lagu helay inuu xidhiidh la sameeyay
iskuna dayay inuu ku biiro  ururka
Daacish.

Xogtu waxay markaa sheegaysaa in Cusmaan ugu dambeyntii
ku guuleystey ku biirista Daacishta ka howlgasha Puntland halkaas oo kooxdu ay
ka dhigtay joogitaankooda ugu weyn ee Soomaaliya.

Dhowaan, Puntland ayaa sheegtay inay dishay
sarkaalkaan kadib dagaal ka dhacay buuraha Calmiskaaad ee gobolka Bari.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial